Ciidamada Badda Marayknaka ayaa ku jira dabagalka markab kale oo ku sugan biyaha caalamiga ah ee u dhow Venezuela, iyada oo xiisadda gobolkaasi ka taagan ay sii kordhayso.
Maraykanka ayaa horay u qabsaday laba markab oo shidaal qaada, iyada oo mid ka mid ahna la qabtay Sabtidii.
Dabagalka Axaddii dhacay ayaa la xiriiray “markab ka tirsan maraakiibta qarsoon ee cunaqabateynta ay saaran tahay ee qaybta ka ah ka fogaanshaha sharci-darrada ah ee cunaqabateynta Venezuela,” sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. “Waxa uu sitaa calan been ah, waxaana u jaran amar maxkamadeed soo qabashadiisa.”
Washington ayaa ku eedeysay Venezuela inay lacagta ka hesho shidaalka u adeegsato maalgelinta dambiyada la xiriira daroogada, halka Venezuela ay ku tilmaantay qabashada maraakiibta shidaalka “xatooyo iyo afduub.”
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa toddobaadkii hore amar ku bixiyay “xannibaad” lagu sameeyo maraakiibta shidaalka ee cunaqabateynta saaran ee galaya kana baxaya dalkaasi.


