Monday, February 23, 2026

Golaha Ammaanka ee Q.M oo muddo kordhin u sameeyay AUSSOM, iyo xiritaan xafiiska Q.M

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in muddada loo kordhiyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo hawlgalkaasi sii shaqayn doono illaa 31-ka Diseembar 2026. AUSSOM ayaa ah howlgal nabad-ilaalineed oo hoostaga Midowga Afrika, kaas oo taageera kala guurka amniga, xasillinta dalka iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ayaa go’aamiyay in la soo afjaro Hawlgalka Kaalmada Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) bisha Oktoobar ee sanadka dambe. Go’aankan ayaa qeyb ka ah dib-u-habeyn lagu sameynayo doorka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo la xoojinayo dadaallada ku wajahan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto hoggaaminta amniga iyo xasilloonida dalka.

UNTMIS ayaa ahaa xafiiska hoggaamiya howlaha siyaasadda iyo amniga ee Qaramada Midoobay, kana wakiil ahaa Xoghayaha Guud. Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay xiritaanka xafiiskan kaddib dood dheer oo lagu falanqeeyay kharashaadka ku baxa iyo waxtarka doorka caalamiga ah ee amniga Soomaaliya.

Intii uu socday fadhiga Golaha Ammaanka, Mareykanka ayaa sheegay in waqti iyo kharash badan uu geliyay sugidda amniga Soomaaliya, balse mas’uuliyadda ugu weyn ee amniga ay tahay in ay si wadajir ah u qaataan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul-goboleedyada iyo beelaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka iyo beesha caalamka ayaa bilaabay dib-u-eegis ku saabsan joogitaanka ciidamada nabad-ilaalinta shisheeye ee Soomaaliya, iyadoo la tilmaamay in kharashkooda aan la sii wadi karin. Waxaa la sheegay in sannad gudihiis la dhimi karo ama xitaa la soo afjari karo joogitaanka qaar ka mid ah ciidamadan.

Dowladda Mareykanka ayaa caddeysay in sugidda amniga Soomaaliya ay ku bixisay malaayiin doollar, balse aysan wax weyn ka beddelin xaaladda amni ee dalka. Wakiilka Mareykanka ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul-goboleedyada xubnaha ka ah iyo beelaha Soomaaliyeed ay tahay in ay la wareegaan mas’uuliyadda amnigooda muddada dheer, halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen taageero dibadeed.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa shaaciyay in bilaha soo socda ay qaadi doonaan go’aanno adag oo lagu hoos u dhigayo taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan howlgalka AUSSOM, iyadoo la dardar gelinayo in Soomaaliya qaadato mas’uuliyad ballaaran oo ku aaddan sugidda ammaankeeda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo gabagabeeyay cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas...

Shirkii Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo markale ka qabsoomaya Villa Somalia

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta...

Taliban oo digniin culus dirtay

Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay “toddobo goobood iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles