Wednesday, December 24, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu caawa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed waxa uu kaga hadlay muhiimadda taariikhiga ah ee doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kuwaas oo astaan u ah riyo muddo dheer la sugayay oo horseedeysa in dalka ay ka hano qaaddo doorashada Dastuuriga ah ee ay xaqa u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in doorashadan ay ka tarjumeysa dib-u-soo kabashada dowladnimada iyo amniga caasimadda, isagoo ugu baaqay muwaadiniinta is-diiwaangeliyay in ay si buuxda uga qeyb qaataan doorashada, kana faa’iideystaan xaqooda dastuuriga ah.

Waxa uu sheegay madaxweynuhu in dowladdu ay dadaal iyo waqti badan ku bixisay hirgalinta doorashadan oo Soomaaliya ku soo celinaysa wadada dib u kabashada iyo dowlad wanaagga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasaaradda arrimaha gudaha oo bogaadisay doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku...

Booliska oo soo bandhigay ciidamadii sugi lahaa doorashada

Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay ciidamo tiro badan...

Kenya oo ka hadashay dil Gaarisa loo geystay muwaadin Soomaaliyeed

Taliyaha Booliiska Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay askari ka tirsan Ciidanka DF

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhiga Dharkenley, ayaa gacanta...

DFS oo bilowday in ay ciidamo dhigto wadooyinka Muqdisho, si loo sugo ammaanka doorashooyinka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta billowday daabulidda ciidamo isugu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles