Xubnaha Golaha deegaanka ee degmooyinka Muqdisho oo la shaaciyay

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay Magacyada xubnaha ku soo baxay golaha deegaanka ee 16ka Degmo ee doorashooyinkooda ay ka qabsoomeen magaalada Muqdisho 25kii bishii hore.

Urur siyaasadeedka uu hoggaamiyo  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 177 xubnood Goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, halka 49 xubnood uu helay Urur siyaasadeedka Towfiiq kaasi oo hoggaamiye ka yahay Sheekh Shaakir Cali Xasan Madaxii Ahlusunada Gobolada dhexe.

Sidoo kale ururka Ramaas ayaa waxay heleen Tirada Saddexaad ee ugu badnaa kaasi oo 42 xubnood ka helay doorashooyinka dhacay.

Xubnaha la shaaciyay 390 xildhibaan deegaan ah ayaa waxaa la sheegay in 291 ka mid ah ay rag yihiin, halka dumarka ay heleen 99 xuxubnood.

Shaacinta magacyada ayaa ku soo aadaysa, xilli maalmaha soo socdo la filayo in xubnahaan ay degma waliba u doortaan Guddoomiye, ku xigeeno iyo xoghayeyaal.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles