Wargeyska Foreign Policy, ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in mid ka mid ah dagaallada qarka loo saaranyahay dunidda inay ka dhacaan sannadkan 2026 , inuu safka hore ku jiro dagaal dhex mari kara Itoobiya iyo Eritrea.
Warbixintan waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay dagaal isku diyaariyeen hadallo colaadeedna ay sare u qaadeen, halka dunidana ay ka jeesatay in labada dal la dhex galo , sabab la xiriirta in gobol kasta oo dunidda ah oo ay xataa ku jiraan dalalka xasilloonida ay ka jirtay ee Yurub , marxalad la isku diyaarinayo dagaal iyo difaac qaran oo aysan lahayn indho ay meel kale waxa ka socda ku eegaan.
Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay gobolka Geeska Afrika , inuu wajahayo sannad kulul oo ay suragalnimada colaad dagaal isku rogta ay sare martay, xilli dagaalka Suudaan uu gaaray meel uu ka fogaaday in la dabaqabto.
Sidoo kale Wargeyska ayaa sheegay in labada dal ay xuduudooda geeyeen ciidamo badan, taasi halis ku ah nolosha kumanaan qof oo shacab ah.


