Dagaal laga cabsi qabo inuu sanadkan uu dhexmaro Itoobiya iyo Eritrea

Wargeyska Foreign Policy, ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in mid ka mid ah dagaallada qarka loo saaranyahay dunidda inay ka dhacaan sannadkan 2026 , inuu safka hore ku jiro dagaal dhex mari kara Itoobiya iyo Eritrea.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay dagaal isku diyaariyeen hadallo colaadeedna ay sare u qaadeen, halka dunidana ay ka jeesatay in labada dal la dhex galo , sabab la xiriirta in gobol kasta oo dunidda ah oo ay xataa ku jiraan dalalka xasilloonida ay ka jirtay ee Yurub , marxalad la isku diyaarinayo dagaal iyo difaac qaran oo aysan lahayn indho ay meel kale waxa ka socda ku eegaan.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay gobolka Geeska Afrika , inuu wajahayo sannad kulul oo ay suragalnimada colaad dagaal isku rogta ay sare martay, xilli dagaalka Suudaan uu gaaray meel uu ka fogaaday in la dabaqabto.

Sidoo kale Wargeyska ayaa sheegay in labada dal ay xuduudooda geeyeen ciidamo badan, taasi halis ku ah nolosha kumanaan qof oo shacab ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles