Tuesday, April 21, 2026

Trump oo sheegay in Mareykanka uu maamuli doono Venezuela

Trump wuxuu sheegay in Mareykanku uu “maamuli doono” Venezuela ilaa “waqti aan ka samayn karno kala guur awoodda ah oo ammaan ah, habboon, isla markaana xikmad ku dheehan tahay.”

Trump ayaana sii raaciyey in ciidanka Mareykanku ay weerareen “qalcad ciidan oo si weyn loo xoojiyay” oo ku taal bartamaha magaalada Caracas si Maduro “sharciga loo horkeeno.”

Wuxuu hawlgalkan barbardhigay hawlgaladii ciidan ee hore loogu qaaday dalka Iiraan — oo ay ku jiraan kuwii lala beegsaday bartilmaameedyada nukliyeerka. “Ma jiro dal adduunka ah oo gaari kara waxa Ameerika samaysay ee ku guulaysatay,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dhammaan awoodihii ciidanka ee Venezuela “laga dhigay kuwo aan waxba qaban karin” intii uu weerarku socday. Wuxuu kaloo raaciyay in layrarkii magaalada Caracas la damiyay intii uu hawlgalku socday “sababo la xiriira aqoon gaar ah” oo ay Ameerika leedahay.

Trump wuxuu sheegay in Maduro iyo xaaskiisa labaduba ay “hadda wajahayaan cadaaladda Ameerika,” isagoo intaas ku daray in dacwad lagaga soo oogay degmada koonfurta New York sababo la xidhiidha “ololahooda argagixisada maandooriyaha ee dhimashada leh” ee ka dhanka ah Mareykanka iyo muwaadiniintiisa.

WARARKII KALE

Sheekh Shariif oo caawa kulan xasaasi ah la leh xildhibaano ka tirsan BFS

Mucaaradka oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dalka Shariif...

Booliska G/Baay oo mamnuucay in hub lagu wato Baydhabo

Hay’adaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Berdaale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in muddo xileedka dawladdu uu yahay 5 sano

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Mucaaradka oo kulamo xasaasi ah la leh culimada Soomaaliyeed

Siyaasiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah...

Iran oo war ka soo saartay wadahadalada ay la galayso Mareykanka

Maxamed Bagher Ghalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iiraan, ayaa sheegay in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles