Thursday, June 25, 2026

Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah isugu yeertay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa (AU PSC)

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kulan degdeg ah oo khadka internetka ah la yeeshay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa (AU PSC) kaas oo looga hadlay arrimaha saameynaya midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Kulankan oo ay guddoomineysay wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Thérèse Wagner, ayey Soomaaliya ku dalbatay qodobka 7(o) oo dhigaya in ay ka fiirsadaan xaalada marka dal xubin ka ah madaxbannaanidiisa ay khatar gasho.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegay in Soomaaliya ay diidan tahay wax ay ku tilmaantay tallaabo hal dhinac ah oo Israel ku dooneyso in ay ku aqoonsato gobolka waqooyiga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku celiyay markale in Soomaaliya ay tahay hal dal oo aan lakala qeybin karin iyadoo Somaliland ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya

Wasiirka waxa uu ka digay in tallaabooyinka xaqiraya madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasiloonida geeska Afrika iyo Badda Cas. Wuxuuna ka dalbaday xubnaha Midowga Afrika in ay xaqiijiyaan midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre”Xasan Sheekh ayaa amray xarigga iyo Xukunka Sacdiyo Bajaaj”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Maxkamadda G/Banaadir oo 3 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo...

Xasan Sheekh oo lagu Cadaadinayo inuu soo Bandhigo heshiiskii doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu...

Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo Muwaadiniin la Haysto

Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka...

RW Xamse iyo Qoorqoor oo la Filayo inay shaaciyaan heshiis ku saabsan Doorashada Galmudug

R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles