Wafuud badan oo ku qulqulaya Laascaanood iyo RW Xamsa oo tagaya

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, uu gaaro wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Magaalada Laascaanood ayaa horey u gaaray masuuliyiin kala duwan oo isugu jira wasiirro, xildhibaano, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo ah horudhac u ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo la filayo in si rasmi ah u gaaro magaalada berri oo Khamiis ah.

Wafdiga gaaray Laascaanood waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka, oo ay ku jiraan Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano). Masuuliyiintan ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Axmed Firdhiye, oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa maanta dib ugu laabtay Laascaanood, halkaas oo uu hoggaamin doono munaasabado muhiim ah.

Amniga guud ee magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta gaareen Laascaanood. Ciidamo isugu jira kuwa Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo kuwa deegaanka ayaa si wadajir ah uga shaqeynaya sugidda ammaanka.

Masuuliyiinta haatan ku sugan magaalada iyo kuwa maalmaha soo socda imaan doona ayaa ka qeyb geli doona munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari, Cabdikariin Firdhiye, iyo ku xigeenkiisa Abwaan Cabdirashiid, kuwaas oo la doortay 30-kii August 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siineysa booqashada Laascaanood, maadaama ay tahay magaalo astaan u ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey Laascaanood ugu tilmaamay “xuddunta midnimada Soomaaliya”, isagoo caddeeyay in booqashooyinka hoggaanka qaranku ay farriin cad u dirayaan cid kasta oo ku fakaraysa kala-qaybin.

Safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ee Laascaanood ayaa noqonaya kii labaad ee uu ku tago magaalada, kaddib booqashadii 12-kii Abriil 2025 oo loogu magac daray “Safarkii Wadajirka, Nabadda iyo Midnimada”. Sidoo kale, Xamsa Cabdi Barre ayaa noqonaya Ra’iisul Wasarihii ugu horreeyay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee laba mar oo isku xigta booqda Laascaanood.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles