Hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen, Cabdul-Maalik al-Xuuthi, ayaa sheegay in ay si adag uga soo horjeedaan joogitaan kasta oo Israa’iil ay ku yeelato dhulka Soomaaliya, ha noqoto saldhig ciidan ama xarun kale oo rasmi ah.
Isagoo hadal ka jeedinayay TV-ga kooxda, Al-Xuuthi waxa uu tilmaamay in kooxdiisu ay u aragto arrintaasi mid halis ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay qaadi karaan tallaabooyin millatari haddii ay helaan joogitaan Israa’iil oo ay gaari karaan.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha gobolka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, kuwaas oo la xiriira loollanka istaraatiijiyadeed iyo isbeddellada ku socda isbahaysiyada caalamiga ah ka dib aqoonsigii Israel ee Somaliland.


