Wednesday, June 24, 2026

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Agaasimaha Bankiga Adduunka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi sare oo uu hoggaaminayay Mr. Qimiao Fan oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika sida Somalia, Kenya, Rwanda iyo Uganda. Sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo maamulaha Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Mr. Hideki Matsunaga.

Kulanka oo ahaa mid miro-dhal ah ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga xooggan u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, gaar ahaan joogtaynta xasilloonida dhaqaalaha guud iyo dardar-gelinta maalgelinta mudnaanta leh ee kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, iyo isku-xirka gobollada, iyada oo la raacayo Hindisaha iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay saaxibada caalamiga ah ee sida joogtada u la shaqeeya Dowladda Soomaliya kana qeyb qaata maalgalinta mashaariic horumarineed oo qoorkoodba haatan si habsami leh ay uga socdaan gudaha dalka.

WARARKII KALE

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

Ahlu Sunna Waljamaaca oo laga saaray Liiska Kooxaha lagu eedeeyo Askaraynta Carruurta

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ururkii Ahlu Sunna...

Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles