MW Xasan Sheekh oo tagay Laascaanood

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay oo muddo ka badan 40 sanno gaaray magaalada Laascaanood , ee caasimadda Waqooyi Bari, iyadoo sidoo kale uu horey halkaasi u gaaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo badi golihiisa wasiirada ee xukuumadda.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa la ciir-ciiraysa wufuud isugu jirta madax ka socota dowladda federaalka ah, madax dhaqameed iyo dadyow kale oo dhamaantood ka qayb galaya xafladda caleema-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye.

Madaxweyne Firdhiye ayaa la doortay shan bilood ka hor, waxaana muddo la sugayay tagitaanka madaxweyne Xasan ee Laascaanood.

Ammaanka magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo bandow lagu soo rogay dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo shacabla ee magaalada Laascaanood.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles