Tuesday, April 28, 2026

Weerar hubeysan oo xalay ka dhacay saldhigga dhexe ee Garowe

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday saldhigga dhexe ee magaalada Garowe, kaddib markii ay doonayeen in ay xoog ku ka xeystaan labo nin oo horay loo soo xiray, taas oo sababtay rasaas culus oo muddo ka socotay saldhigga iyo nawaaxigiisa.

Inta la xaqiijiyay in ugu yaraan hal qof uu ku geeriyooday dhacdadan, halka ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah ciidamadii weerarka soo qaaday, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday Isbitaalka Guud ee magaalada Garowe si loogu daweeyo.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay salka ku hayso howlgal ay ciidamada booliska Garowe ka sameeyeen magaalada, kaas oo lagu soo qabtay labo eedeysane, islamarkaana uu ku dhaawacmay hal nin, taas oo kaddib keentay in ciidamo ka tirsan Daraawiishta ay weerar ku qaadaan saldhigga si ay u sii daayaan raggii la xiray.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Cabdiraxmaan Xaaji Abshir, ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii xalay ka dhacay saldhigga dhexe ee Garowe.

Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay taliska qeybta booliska gobolka Nugaal ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, isla markaana uu sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca saddex kale oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta.

Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa xusay in khasaaraha ka dhashay dhacdadan uu yahay mid xaddidan marka loo eego rasaastii iyo iska horimaadkii dhacay, wuxuuna tilmaamay in shaqaaqadu ka dhalatay howlgal amni oo lagu doonayay in lagu soo qabto askar eedeysanayaal ah oo ka tirsan Daraawiishta Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa sheegay in xaaladda amniga ee Garowe ay hadda degan tahay, islamarkaana ciidamadii weerarka soo qaaday ay ku laabteen xeradoodii, iyadoo la bilaabay baaritaanno ku saabsan dhacdadan si loo ogaado sababihii rasmiga ahaa iyo cidda ka dambeysay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wafdi Sare oo ka socda Qaramada Midoobay oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhoweeyay wafdi sare...

Somaliland oo qabatay hub culus, kana digtay faragelin shisheeye

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigteen hub...

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay markab calanka Panama

Koox burcad-badeed ah ayaa afduubtay markab nooca xamuulka ah...

Isra’iil oo weerar ka geystay Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymo ay...

Wasiirka Arrimaha Dibada Iran oo la kulmaya Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa booqasho...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles