Bannaabax lagu diidan tahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku sameeyay madax bannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliha ayaa hadda ka socda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dibadbaxa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne ka kala yimid xaafadaha degmada, mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kale ee Bulshada, kuwaas oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah gardarada Israa’iil iyo aqoonsi beenaadka uu siiyay maamulka Soomaaliland.

Shacabka bannaanbaxaya ayaa wacad ku maray in ay diyaar u yihiin difaaca midnimada dalka kana hortegayaan duulaan kasta oo lagu soo qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa fagaarayaasha caalamka kaga guuleysatay in ay beeniso aqoonsi beenaadkaas, waxay heshay taageerada saaxiibada caalamka oo dhammaan ka soo horjeestay duulaanka cadowga iyo xadgudubka intaba.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles