Booliska Somaliland oo sheegay in dad loo qabtay dil ka dhacay magaalada Saylac

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inay baaris ku wadaan dil labo nin oo dhawaan ka dhacay magaalada Saylac ee gobolka Awdal, kadib fal amni oo halkaas ka dhacay.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay inay ku raad joogaan eedeysanayaasha ka dambeeyay dilka, isla markaana ay wadaan howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka deegaankaasi.

Afhayeenka Booliska Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in gacanta lagu hayo rag lagu eedeeyay ama loo tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dilka labada nin, kuwaas oo labo maalmood ka hor lagu dilay deegaanka Indho-biraale ee hoos taga degmada Saylac.

Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu caddeeyay in rag kale oo falkaasi lala xiriirinayo ay weli baxsad ku jiraan, isla markaana ciidamada ammaanku ay si joogto ah ugu daba jiraan si loo soo qabto loona horkeeno sharciga.

Booliska Somaliland ayaa ballanqaaday inay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonaan natiijada baaritaanka, marka ay dhammaato, iyagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo sugo nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles