Booliska Somaliland oo sheegay in dad loo qabtay dil ka dhacay magaalada Saylac

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inay baaris ku wadaan dil labo nin oo dhawaan ka dhacay magaalada Saylac ee gobolka Awdal, kadib fal amni oo halkaas ka dhacay.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay inay ku raad joogaan eedeysanayaasha ka dambeeyay dilka, isla markaana ay wadaan howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka deegaankaasi.

Afhayeenka Booliska Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in gacanta lagu hayo rag lagu eedeeyay ama loo tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dilka labada nin, kuwaas oo labo maalmood ka hor lagu dilay deegaanka Indho-biraale ee hoos taga degmada Saylac.

Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu caddeeyay in rag kale oo falkaasi lala xiriirinayo ay weli baxsad ku jiraan, isla markaana ciidamada ammaanku ay si joogto ah ugu daba jiraan si loo soo qabto loona horkeeno sharciga.

Booliska Somaliland ayaa ballanqaaday inay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonaan natiijada baaritaanka, marka ay dhammaato, iyagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo sugo nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles