Saturday, June 27, 2026

Wasiir Cumar Cali Rooble oo war ka soo saaray weerar lagu qaaday gurigiisa

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Cumar Cali Rooble, ayaa soo saaray warsaxaafadeed rasmi ah oo uu kaga hadlay eedeymo culus oo la xiriira dhul-boob, dulmi siyaasadeysan iyo weerar habeenimo lagu qaaday qoyskiisa iyo Gurigiisa.

Warsaxaafadeedka oo ku taariikheysan 20/01/2026, ayuu Sheekh Cumar ku sheegay in xalay abaare 03:00 habeenimo ay guryihiisa weerar ku soo qaadeen ciidamo isugu jira Boolis-Meletari iyo kuwo Madaxtooyada, kuwaas oo uu sheegay inaysan wadan wax amar maxkamadeed ah.

Sheekh Cumar ayaa ku eedeeyay weerarkaasi xildhibaan hore Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib) iyo Cabdiqani Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu sheegay inuu yahay wiil uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo tilmaamay in ciidamadu ay burburiyeen dhammaan guryihiisa, isla markaana ay geysteen boob, bililiqo iyo burburin hanti lagu qiyaasay ku dhowaad nus milyan dollar (500,000 USD).

Sidoo kale, wuxuu sheegay in mid ka mid ah carruurtiisa loo geystay jir-dil, isla markaana ay si buuxda u burburiyeen guryo uu ku andacooday inay leeyihiin dukumiinti sharci ah.

Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa caddeeyay in arrintan aysan ahayn muran shakhsi ama ganacsi, balse ay tahay dhul-boob lagu fulinayo awood dowladeed, laguna cabburinayo qof uu ku tilmaamay inuu u istaagay xaq-sheegid iyo difaaca masaakiinta. Wuxuu xusay in weerarkaasi uu halis geliyay nolosha carruurtiisa, isla markaana uu u arkay farriin cabsi gelin ah.

Waxaa kale oo uu warsaxaafadeedkiisa ku xusay in hore loo afduubtay 25/09/2025, isagoo sheegay in arrintaasi ay la xiriirtay mowqifkiisa ka dhanka ah dhul-boobka, barakicinta iyo ku tumashada xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sheekh Cumar ayaa mar kale ku adkeystay in uusan ka aamusi doonin dulmiga, isla markaana uusan ka tanaasuli doonin difaaca dadka masaakiinta ah, isagoo ka digay in haddii mas’uul hore oo xil qaran soo qabtay sidan loola dhaqmo, ay taasi halis ku tahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.

Sheekh Cumar ayaa wuxuu baaq degdeg ah u diray Golaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha Garsoorka, Hay’adaha Xuquuqul Aadamiga, Culimada, Cuqaasha, Siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, si ay uga hortagaan dhul-boobka, barakicinta iyo weerarrada lagu hayo qoysaska rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

WARARKII KALE

Nin Mareykanka ku eedeeyay Musuq-maasuq oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Cabdikariim...

DFS oo Sheegtay in Duqeymo lagu dilay  Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka...

Booliska Soomaaliya oo Xoojiyay Howlgallada Ka Dhanka ah Faafinta Anshax-xumada

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howlgallada lagu...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha Burkina Faso, oo ka guddoomay Warqadda Aqoonsiga Danjirenimo Safiirka Soomaaliya

Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles