Fiqi oo shaaciyay waqti ay Imaaraadka joojiyeen Lacagtii ay siin jireen ciidanka DF

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa waraysi uu siiyay Aljaziira ku sheegay in Soomaaliya aysan la aqbali doonin cid kasta oo xadgudub ku sameysa madaxbannaanideeda.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in dowladda Imaaraatka Carabta ay joojisay dhammaan taageeradii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya muddo labo sano ah, isla markaana mararka qaar taageerada loo gudbiyay kooxo maleeshiyo maxalli ah, taasoo wiiqeysa awoodda dowladda dhexe.

Taageerada Imaaraatku waxay horey uga gaartay Puntland iyo Jubbaland oo dagaallo adag kula jiray Khawaarijta Daacish iyo Al-Shabaab.

Fiqi wuxuu si cad u sheegay in Somaliland ay tahay “qayb aan la kala qaadi karin” ka mid ah Soomaaliya, isla markaana heshiis kasta oo madax-bannaanida Somaliland ku saleysan uu khilaaf ku yahay dastuurka iyo sharciga caalamiga ah.

Wuxuu ka digay in aqoonsiga Somaliland uu abuuri karo khilaaf gudaha iyo khatar xasiloonida dalka.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu diiday isku dayga Israel ee lagu aqoonsanayo Somaliland ama lagu guurinayo dad Falastiini ah gudaha Soomaaliya, isagoo tilmaamay in arrimahani ka hor imaanayaan qiyamka iyo dastuurka qaranka.

Fiqi wuxuu sharaxay sababaha dalal badan xiiseynayaan saldhigyo milatari Soomaaliya gudaheeda: la dagaalanka argagixisada, ka hortagga burcad-badeedda, faa’iidooyinka juqraafi iyo xeebo istiraatiiji ah, iyo xiisaha kheyraadka dabiiciga ah sida batroolka, macdanta iyo kaluumaysiga.

Wasiirku wuxuu cadeeyay in Soomaaliya diyaar u tahay iskaashi milatari lala yeesho dalal saaxiib ah, balse waa in la ixtiraamo madax-bannaanida dalka, lagana fogaado taageerada kooxo maleeshiyo ah ama heshiisyo sharci-darro ah oo ka dhan ah dowladda dhexe

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles