Sunday, January 25, 2026

Fiqi oo shaaciyay waqti ay Imaaraadka joojiyeen Lacagtii ay siin jireen ciidanka DF

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa waraysi uu siiyay Aljaziira ku sheegay in Soomaaliya aysan la aqbali doonin cid kasta oo xadgudub ku sameysa madaxbannaanideeda.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in dowladda Imaaraatka Carabta ay joojisay dhammaan taageeradii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya muddo labo sano ah, isla markaana mararka qaar taageerada loo gudbiyay kooxo maleeshiyo maxalli ah, taasoo wiiqeysa awoodda dowladda dhexe.

Taageerada Imaaraatku waxay horey uga gaartay Puntland iyo Jubbaland oo dagaallo adag kula jiray Khawaarijta Daacish iyo Al-Shabaab.

Fiqi wuxuu si cad u sheegay in Somaliland ay tahay “qayb aan la kala qaadi karin” ka mid ah Soomaaliya, isla markaana heshiis kasta oo madax-bannaanida Somaliland ku saleysan uu khilaaf ku yahay dastuurka iyo sharciga caalamiga ah.

Wuxuu ka digay in aqoonsiga Somaliland uu abuuri karo khilaaf gudaha iyo khatar xasiloonida dalka.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu diiday isku dayga Israel ee lagu aqoonsanayo Somaliland ama lagu guurinayo dad Falastiini ah gudaha Soomaaliya, isagoo tilmaamay in arrimahani ka hor imaanayaan qiyamka iyo dastuurka qaranka.

Fiqi wuxuu sharaxay sababaha dalal badan xiiseynayaan saldhigyo milatari Soomaaliya gudaheeda: la dagaalanka argagixisada, ka hortagga burcad-badeedda, faa’iidooyinka juqraafi iyo xeebo istiraatiiji ah, iyo xiisaha kheyraadka dabiiciga ah sida batroolka, macdanta iyo kaluumaysiga.

Wasiirku wuxuu cadeeyay in Soomaaliya diyaar u tahay iskaashi milatari lala yeesho dalal saaxiib ah, balse waa in la ixtiraamo madax-bannaanida dalka, lagana fogaado taageerada kooxo maleeshiyo ah ama heshiisyo sharci-darro ah oo ka dhan ah dowladda dhexe

WARARKII KALE

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

Ilhan Cumar oo si adag ugu hadashay dil ay geysteen ICE

Xaaladda Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa ka sii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles