Sunday, January 25, 2026

Ilhan Cumar oo si adag ugu hadashay dil ay geysteen ICE

Xaaladda Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa ka sii dareysa, ka dib markii Ciidamada Ilaalada Xuduudaha & Kastamyada Mareykanka ee ICE ay Sabtidii toogasho ku dileen nin lagu magacabayay Alex Pretti.

Ninkan ayaa ahaa 37 jir kalkaaliye caafimaad ah, iyadoo uu dilkiisu ka dambeeyay, ka dib markii uu isku dayay in uu kala dhex galo ciidamada iyo haweeney ay markaasi qabteen. Muuqaalada la isku la wadaagayo barraha bulshada ayaa laga arki karay dhowr askari oo si xun u jir dilaya ninkaasi, ka hor inta aan goobta laga maqlin rasaas, sida la sheegay loo adeegsaday dilkiisa. Alex Pretti oo isbitaalka lagu la cararay ayay wararku sheegayaan in uu waddada ku geeriyooday.

Wasaaradda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa sheegtay in askari ka tirsan Ciidamada ICE uu dilay Pretti, isaga oo is difaacaya, balse waxaa warkaasi si adag u beeniyay Gudoomiyaha Gobolka Minnesota, Tim Walz. Mid ka mid ah muuqaaalada ku baahay internet-ka ayaa muujinaya askari ka tirsan ICE oo qori ku qabanaya ninkaasi, wax yar uun ka hor inta aan goobta laga maqlin rasaastii lagu dilay.

Xildhibaan Ilhan Omar ayaa soo saartay bayaan aad u adag oo ay ku cambaareynayso dil ay sheegtay inay ciidamada socdaalka ee federaalka Mareykanku u geysteen qof kale oo deganaa gobolka Minnesota.

Ilhan waxay falkaas ku tilmaantay mid u muuqda dil bareer ah, iyadoo muujisay inay aad uga naxday kana xun tahay in ciidamada federaalku ay gumaad ku hayaan xubnaha bulshada ee ay ahayd inay ilaaliyaan.

​Waxay qoraalkeeda ku sheegtay in falkani uusan ahayn mid shil ah, balse uu qayb ka yahay hab-dhaqanka maamulka Trump oo ay ku eedaysay inay isku dayayaan inay dadka cabsi geliyaan halkii ay difaaci lahaayeen, iyadoo xustay in maamulkaasi uu ku xad-gudbayo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta iyadoo magaca socdaalka lagu gambanayo.

​Xildhibaanadda ayaa si cad u dalbatay in hay’adaha fulinta sharciga ee ICE iyo CBP ay si degdeg ah uga baxaan Minnesota, iyadoo ku dooday in joogitaankoodu uu argagax gelinayo bulshada, nafo badanna ay ku baxeen iyadoo aan lala xisaabtamin ciidamadaas.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii December Ciidamada ICE u daabulay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul, si ay u beegsadaan dadka soo galootiga ah ee bilaa sharciga ku jooga magaalooyinkaasi. Trump ayaa ciidamadan uga hawlgeliyay labadaasi magaalo, si ay u qabqabtaan Soomaalida aan sharciga haysan, si loogu musaafuriyo Somaliya. Maamulka gobolka, labada duq magaalo ee Saint Paul & Minneapolis iyo dadka gobolkaasi ayaa si weyn uga horyimid shaqada ciidamadaasi, waxayna dalbadeen in dib gobolka looga saaro. Madaxweyne Trump ayaa u dhaqmaya, sida nin aanba maqleynin baaqa isa soo taraya ee uga imanaya maamulka iyo dadka gobolkaasi.

Gobolka Minnesota ayaa ku socdo jiho khaldan, mana muuqato in Trump uu diyaar u yahay in uu qaado tallaabooyin lagu dejinayo xiisadda cirka isku sii shareereysa ee ka jirta gobolkaasi.

7-dii bishan ayay ahayd, markii askari ka tirsan Ciidamada ICE uu Minneapolis ku dilay haweeney hooyo u ahayd saddex carruur ah oo lagu magacabayay Renee Good.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

Trump oo digniin u diray Canada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu 100%...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles