Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in deegaanadeeda la geeyo xubno ka tirsanaa malleeshiyo Falastiini ah oo la shaqeynayay Ciidamada Israa’iil, kuwaas oo dagaal la galay ururka Xamaas intii uu socday dagaalka Qasa.

Malleeshiyadan ayaa la sheegay in noloshooda khatar ku jirto, kaddib markii Ciidamada Israa’iil ay bilaabeen inay ka baxaan magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Marinka Qasa, taasoo qeyb ka ah wajiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee labada dhinac.

Malleeshiyadan ayaa  waxaa aas-aasay Militeriga Israa’iil xilligii dagaalka socday, si ay u abuuraan colaad sokeeye oo dhex marta kooxaha Falastiiniyiinta, taasi oo sahli lahayd in Israa’iil ay si fudud u qabsato magaalada Qasa.

Xamaas ayaa la sheegay inay dishay hoggaamiyeyaasha malleeshiyadaas, taasoo keentay inuu fashilmo qorshe uu watay Ra’iisul Wasaare Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Somaliland ama Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlaya arrintan, halka wararkaasi ay weli ku saleysan yihiin xog ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil.

Arrintan ayaa dhalisay dood iyo hadal-heyn ballaaran, iyadoo ay dad badan su’aal ka keeneen saameynta ay ku yeelan karto siyaasadda iyo sumcadda Somaliland ee caalamka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles