Saturday, May 2, 2026

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed oo heer gobol iyo heer caalami ah, kuwaas oo lagu taageerayo amniga, xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka Yemen iyo Soomaaliya, isagoo si cad u diiday faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha labada dal.

Go’aankan ayaa lagu ansixiyay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Baarlamaanka Carabta intii lagu guda jiray furitaanka kalfadhigii labaad ee fadhiga guud ee wareegga labaad, ee cutubka sharci-dejinta afaraad, kaas oo ka dhacay xarunta Xoghaynta Guud ee Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.

Bayaanka ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo mabda’a ah in aan lagu faragelin arrimaha gudaha dowladaha, isla markaana lagu dadaalo xalal nabadeed oo lagu ilaaliyo madax-bannaanida, amniga iyo midnimada dhuleed ee dalalka Carabta.

Sidoo kale, Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay dowladaha iyo baarlamaannada Carbeed inay muujiyaan midnimo iyo garab istaag buuxa oo ay la garab taagan yihiin Yemen iyo Soomaaliya, ayna qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida labada dal, isagoo mar kale ku celiyay diidmada buuxda ee faragelin kasta oo shisheeye.

Dhanka kale, tan iyo markii Israa’iil ay muujisay taageerada ku aaddan ictiraafka Somaliland, waxaa isa soo tarayay cadaadisyo xoogan oo ay sameeyeen dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka, kuwaas oo xoojiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo ilaaliyo midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Go’aankan ayaa lagu tilmaamay mid muujinaya mowqif mideysan oo Carbeed oo ku aaddan difaaca danaha Soomaaliya iyo Yemen, isla markaana sare u qaadaya iskaashiga siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Cutubkii ugu horeeyey Ciidanka Masar oo ku soo wajahan Somalia

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in cutubkii ugu horreeyay...

Wasiiro, siyaasiyiin & Xildhibaano ku qulqulaya Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay...

Iran oo xoojisay awoodeeda Milateri, lana soo baxday hub cusub

Warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera ayaa baahisay warbixin...

Soomaali Mindi ku weeraray dad Yuhuud ah oo dacwad lagu soo oogay

Ciise Suleiman ayaa lagu soo oogay dacwad isku day...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles