RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Amb. Ali Onaner, iyo Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Amb. Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, iyo la-dagaallanka argagixisada, si loo xaqiijiyo xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa, ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada hagar-la’aanta ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo xusay in Turkigu yahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay taageerada dhanka amniga, ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Amb. Ali Onaner, oo ka mahadceliyay qaabiladda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyay in dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba garab taaganyihiin dowladda Soomaaliya, ayna sii xoojinayaan xiriirka wada-shaqayneed ee labada dowladood.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles