Soomaaliland oo beenisay in ciidan Shisheeye ay ku sugan yihiin Awdal

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay war ay baahisay warbaahinta Al Arabiya, kaasi oo lagu sheegay in ciidamo aan ka tirsanayn kuwa Somaliland ay ku sugan yihiin magaalada Saylac ee gobolka Awdal.

War-saxaafadeed ay soo saartay Somaliland ayaa lagu sheegay in aanu jirin wax ciidan shisheeye ah oo ku sugan gobollada Awdal iyo Salal, isla markaana la xaqiijiyay in ciidanka kaliya ee ka jooga deegaanadaasi ay yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

“Ma jiraan wax ciidan shisheeye ah oo ku sugan gobollada Awdal iyo Salal, mana jiraan wax ciidan ah oo halkaas jooga marka laga reebo Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliland ayaa ugu baaqday warbaahinta caalamka in ay hubiyaan xogtooda ka hor inta aysan baahin warar ay sheegtay in ay khalad iyo marin-habaabin ku yihiin amniga iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles