Inta la xaqiijiyay todobada qof oo carruur u badan ayaa biyo la’aan ugu geeriyooday deegaanno ka tirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug ee Puntland.
Guddoomiyaha gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade ayaa sheegay in xaalad khatar ah ay ka jirto deegaanada ay abaarta ka jirta, isaga oo diray qaylo-dhaan la xiriirta biyo la’aan iyo baad la’aan daran oo ka jirta guud ahaan gobolkaas.
Dhammaan gobolada Puntland waxaa ka jirta biyo la’aan xoog leh oo ay keentay abaarta, kadib markii ay baaqdeen roobabkii la filayay xiiliyadii dayrta iyo guga ee sanadkii hore, waxaana la tilaamay in ay gureen baraagihii iyo ceelashii abaarta awgeed.
Waxaana laga soo dayrinayaa nolosha dadka reer guuraaga ah oo ay soo wajahday cunto la,aan iyo biyo la,aan, iyada oo ay magaalooyinka ku soo xeroodeen qoysas ka badan boqolaal, kuwaas oo ka mid ah dadka ku barakacay abaarta ka jirta Puntland.


