Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay Keyd Miinooyin ah oo Al-shabaab ay ku lahaayeen Jabad Godane

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keyd miinooyin iyo walxo qarxa oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo dhawaan laga saaray maleeshiyaadka kooxdaas kaddib howlgallo isdaba-joog ah.

Howlgalkan oo ka mid ah hawlgallo amni oo horey u socday, kana dhashay xog sirdoon oo sugan, ayaa lagu ogaaday goob si qarsoodi ah loogu keydinayay miinooyin iyo waxyaabo qarxa, kuwaas oo Khawaarijtu u adeegsan jirtay dhibaateynta shacabka iyo carqaladeynta amniga.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa sheegay in goobta laga helay miinooyin dhulka lagu aaso, walxo qarxa, iyo qalab kale oo loogu talagalay falal amni-darro ah, kuwaas oo la doonayay in lagu waxyeelleeyo ciidamada iyo shacabka deegaanka.

Ciidamada Xoogga ayaa si buuxda u sugey aagga, iyagoo hubiyay in aanay jirin khatar kale oo ka iman karta walxaha qarxa, waxaana la bilaabay tallaabooyin farsamo oo lagu burburinayo keydka miinooyinka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles