Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo amni oo lagu sifeynayay maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Intii uu howlgalka socday, waxaa lagu dilay afar (4) xubnood oo ka tirsanaa Al-Al-shabaab , kuwaas oo ku howlanaa aasin miinooyin ay doonayeen in ay waxyeello ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada waddooyinka deegaanka.
Ciidamada Qaranka waxaa ka go’an ciribtirka maleeshiyaadka argagixisada ee khatarta ku ah amniga shacabka iyo isu-socodka waddooyinka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan nabad iyo amni la isku halleyn karo.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan in howlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo amni, xasillooni, iyo nabad waarta guud ahaan dalka.


