Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga, iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isagoo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Talyaaniga Mudane Pier Mario Daccò ayaa xaqiijiyey in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageeridda Soomaaliya, isagoo bogaadiyey dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles