Trump oo u gafay Soomaaliya iyo hanjabaad uu u diray Burcad badeeda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari oo adag, kuna wajahan kooxo uu ugu yeeray burcad-badeedda Soomaaliya .

Trump ayaa wuxuu sheegay in ciidanka Mareykanku ay gantaallo ku weerari doonaan oo dili doonaan cid kasta oo lagu tuhmo burcad-badeednimo, xitaa haddii aysan weerar ku qaadin maraakiib Mareykan ah.

Isagoo hadalkiisa sii adkaynaya, wuxuu caddeeyay in haddii qof ama doon u dhaqaaqdo dhanka markab, la beegsan doono isla markiiba, xitaa haddii markabkaasi uusan ahayn mid Mareykan leeyahay. Sida uu hadalka u dhigay, “Qofkii isku dayo inuu u dhaqaaqo dhanka markab, wuxuu la kulmi doonaa ciqaabta ugu dambeysa.”

Trump ayaa sidoo kale sheegay in burcad-badeedda Soomaaliya lagu daray liis la mid ah midka lagu beegsado kooxaha daroogada ka ganacsada, isagoo yiri: “Waxay wajihi doonaan isla gantaalladii aan u isticmaalno burcad-daroogada. Way og yihiin waxa sugaya.”

Madaxweyne Trump ayaa wuxuu si gef iyo yasid leh u yiri: “Soomaaliya, runtii xitaa ma aqaan… ma aha dal,” hadal si cad u muujinaya aragti halis ah oo ku wajahan jiritaanka iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles