Monday, April 6, 2026

Trump oo u gafay Soomaaliya iyo hanjabaad uu u diray Burcad badeeda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari oo adag, kuna wajahan kooxo uu ugu yeeray burcad-badeedda Soomaaliya .

Trump ayaa wuxuu sheegay in ciidanka Mareykanku ay gantaallo ku weerari doonaan oo dili doonaan cid kasta oo lagu tuhmo burcad-badeednimo, xitaa haddii aysan weerar ku qaadin maraakiib Mareykan ah.

Isagoo hadalkiisa sii adkaynaya, wuxuu caddeeyay in haddii qof ama doon u dhaqaaqdo dhanka markab, la beegsan doono isla markiiba, xitaa haddii markabkaasi uusan ahayn mid Mareykan leeyahay. Sida uu hadalka u dhigay, “Qofkii isku dayo inuu u dhaqaaqo dhanka markab, wuxuu la kulmi doonaa ciqaabta ugu dambeysa.”

Trump ayaa sidoo kale sheegay in burcad-badeedda Soomaaliya lagu daray liis la mid ah midka lagu beegsado kooxaha daroogada ka ganacsada, isagoo yiri: “Waxay wajihi doonaan isla gantaalladii aan u isticmaalno burcad-daroogada. Way og yihiin waxa sugaya.”

Madaxweyne Trump ayaa wuxuu si gef iyo yasid leh u yiri: “Soomaaliya, runtii xitaa ma aqaan… ma aha dal,” hadal si cad u muujinaya aragti halis ah oo ku wajahan jiritaanka iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

WARARKII KALE

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles