MW Xasan Sheekh oo ku wajahan dowlad deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku wajahan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono munaasabad xarig-jarka xarunta dalxiiska ee Shabeelley, oo ku taalla gobolka Faafan.

Inta uu ku sugan yahay halkaasi, Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqan doona xarunta laga dhaliyo korontada dabaysha ee ku taalla magaalada Ayshaca ee gobolka Sitti, taas oo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanka.

Safarkan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Jabuuti, iyo Madaxa Hay’adda Sirdoonka Kenya Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji, oo shalay gaaray halkaasi, taas oo muujineysa muhiimadda uu safarkani u leeyahay iskaashiga dalalka gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo Dowlad Deegaanka Soomaalida la qaadan doona kulamo gaar ah oo uu la yeelan doono madaxda deegaanka, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka, iskaashiga amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo arrimaha xuduudaha.

Safarkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya, isla markaana kor u qaado xiriirka dalalka Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles