Soomaaliya iyo Koofur Afrika oo yeeshay wadahadallo muhiim ah

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta magaalada Pretoria kulan wadahadal laba-geesood ah kula yeeshay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Jamhuuriyadda Koonfur Afrika,

Mudane Ronald Lamola. Kulankaasi waxa uu diiradda saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika iyo horumarinta iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo badan leh.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta awoodda aadanaha, iyo beeraha, iyagoo si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo tallaabooyin wax ku ool ah oo keena natiijooyin la taaban karo oo ay ka faa’iideystaan labada shacab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfur Afrika taageerada mabda’a ku dhisan ee ay si joogto ah ugu muujiso madax-bannaanida, midnimada, iyo amniga Soomaaliya. Sidoo kale, labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqqeynta iyo is-waafajinta mowqifyada ay ka wadaagaan fagaarayaasha goboleed iyo kuwa caalami ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, xasilloonida, iyo horumarka waara.

Kulanka sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles