Shirkii loo ballansanaa ee Iran iyo Mareykanka oo meel dal kale loo weeciyay iyo go’aanka Aqalka Cad

Warbaahinta laga leeyahay Mareykanka, Axios, oo soo xiganaysa ilo Carbeed, ayaa sheegay in saacadihii dambe ee Talaadada in wadahadallada nukliyeerka ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan la filayo inuu ka dhaco dalka Cumaan maalinta Jimcah ah.

Wakaaladda wararka, oo soo xiganaysa ishaas, ayaa intaas ku dartay, in maamulka Donald Trump uu ogolaaday codsiga Iiraan ee ah in wadahadallada laga wareejiyo Turki goo loo wareejiyo dalka Cuman.

Ilo wareedkaas ayaa sidoo kale intaa ku daray, in ay socdaan wadahadalladu ku saabsan in dalalka Carabta iyo Muslimiinta ee gobolka ay ku biiri doonaan wadahadallada ka dhacaya Cumaan iyo in kale.

Dhanka kale, warbaahinta ee Bariga Dhexe ayaa sheegtay in kulan dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu iyo ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan barigadhexe, Steve Witkoff, uu soo dhammaaday.

Sida uu sheegay warbixintu, Raiisul Wasaaraha Israa’iil ayaa kulanka uu la yeeshay Witkoff ku yiri: “Tehran marar badan ayay muujisay in ballanqaadyadeeda aan lagu kalsoonaan karin.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles