Weerar ka dhacay Nigeria oo dad badan lagu laayay

Dhowr iyo toban qof ayaa lagu dilay weerarro ka dhacay laba tuulo oo ku yaalla gobolka Kwara ee dalka Nigeria.

Weeraryahannadu waxay sidoo kale gubeen dukaamo iyo guryo, taasoo ku qasabtay dadka deggan tuulooyinka Woro iyo Nuku inay ka qaxaan guryahooda, sida uu BBC Hausa u sheegeen mas’uuliyiinta deegaannadaasi.

Mas’uuliyiinta Nigeria ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday gobolka Kwara uu salka ku hayo xagjirnimo, balse uusan ahayn fal dambiyeed caadi ah, iyadoo ciidamo militari ah loo diray gobolka Kwara si loo xakameeyo xaaladda.

Guddoomiyaha gobolka, Cabdul Raxman CabdulRazaq, oo xalay booqday tuulooyinka Woro iyo Nuku ee uu saameeyay weerarku, isaga oo ay weheliyaan hoggaamiyeyaal kale, ayaa sheegay in 75 qof oo dhammaantoodn Muslimiin, la dilay.

Sarkaal ka tirsan Laanqayrta Cas ee Kwara, Babaomo Ayodeji, ayaa AFP u sheegay in “warbixinadu muujinayaan in tirada dhimashadu ay gaartay 162, iyadoo weli socda hawlgallo lagu soo saarayo meydad kale.”

Dhanka kale, Amnesty International ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in in ka badan 170 qof ay dhinteen, iyadoo xustay in qaar la toogtay halka kuwo kalena iyagoo nool la gubay.

Isaga oo la hadlayay warfidiyeenka, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in weerarka uu ka dhashay diidmada gobolka ee ku aaddan raacitaanka qiyamka Islaamka.

“Marka loo eego xogta aan helay, tuuladan waxay diiday inay raacdo waxbarashooyinka qalloocan ee diinta Islaamka,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in dadka deggan tuulooyinkaasi ay diideen inay raacaan mabaadi’ iyo waxbarashooyin diimeed ee kala duwan, taasina ay sababtay in la weeraro lana dilo. “Arrintani way ka duwan tahay wixii aan horey u aragnay, sida afduubka iyo dalabka madax-furashada.”

Afhayeenka booliiska gobolka Kwara, Adetoun Ejire-Adeyemi, ayaa BBC u sheegay in weerarka ay u badan tahay inay fuliyeen dambiilayaal maxalli ah, balse baaritaanno ay weli socdaan.

Guddoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu, uu oggolaaday in ciidanka loo diro aagga si loo sugo amniga.

Gobollada waqooyi ee Nigeria ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay amni-darro, dhacdadii ugu dambaysayna waxey ahayd dad laga afduubtay kaniisad.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles