Friday, July 3, 2026

Ciidamo Cusub oo Booliska Puntland lagu wareejiyay amniga G/Mudug

Ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Puntland ayaa la wareejiyay guud ahaan amniga gobolka Mudug, kadib markii ay dhawaan tababar ku soo qaateen xerada Xorgoble ee Qardho iyo kulliyadda tababarka Carmo.

Ciidamadan ayaa lagu daabulay dhammaan todobada degmo ee gobolka Mudug ee Puntland, halkaas oo ay la wareegeen saldhigyada, rugaha booliska iyo baraha kantaroolada ee ka howlgala gobolka.

Ujeedada loo geeyay ciidamadan ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo ammaanka guud ee gobolka, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, isla markaana lagu horumarinayo tayada iyo hufnaanta howlaha booliska. Sidoo kale, waxa ay door ka qaadan doonaan dib-u-tababaridda iyo tayeynta ciidamadii horey uga shaqeynayay gobolka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Puntland ku dooneyso in ay ku adkeyso amniga, la dagaallanka dambiyada iyo hubinta nabadgelyada shacabka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa caawa kulan la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee gobolka Mudug.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga, dardargelinta adeegyada dowliga ah, iyo dhameystirka mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka.

WARARKII KALE

Puntland oo mamnuucday shirar siyaasadeed oo ka dhan ah Deni in lagu qabto Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa mamnuucay qabashada shirar siyaasadeed oo aan...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Muuse Biixi oo Cirro ku eedeeyay marin-habaabin iyo safarro qarsoodi ah

Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa...

Ciidanka Uganda ee AUSSOM oo yeeshay taliye ku xigeen cusub

Ciidanka Difaaca Uganda ee, kana tirsan howlgalka Midowga Afrika...

Maraykanka oo shaaciyay inuu joojinayo taageerada howlgalka AUSSOM dhammaadka 2026

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u sheegtay inay...

Shixnad la sheegay inay Israa’iil ka timid oo soo gaartay Muqdisho

Warbaahinta laga leeyahay Lubnaan ee Al-Mayadeen ayaa baahisay warbixin...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles