Ciidamo Cusub oo Booliska Puntland lagu wareejiyay amniga G/Mudug

Ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Puntland ayaa la wareejiyay guud ahaan amniga gobolka Mudug, kadib markii ay dhawaan tababar ku soo qaateen xerada Xorgoble ee Qardho iyo kulliyadda tababarka Carmo.

Ciidamadan ayaa lagu daabulay dhammaan todobada degmo ee gobolka Mudug ee Puntland, halkaas oo ay la wareegeen saldhigyada, rugaha booliska iyo baraha kantaroolada ee ka howlgala gobolka.

Ujeedada loo geeyay ciidamadan ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo ammaanka guud ee gobolka, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, isla markaana lagu horumarinayo tayada iyo hufnaanta howlaha booliska. Sidoo kale, waxa ay door ka qaadan doonaan dib-u-tababaridda iyo tayeynta ciidamadii horey uga shaqeynayay gobolka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Puntland ku dooneyso in ay ku adkeyso amniga, la dagaallanka dambiyada iyo hubinta nabadgelyada shacabka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa caawa kulan la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee gobolka Mudug.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga, dardargelinta adeegyada dowliga ah, iyo dhameystirka mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles