Agaasimaha NISA oo ka qeyb galay shir ka dhacay Ciraaq

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA),  Mahad Maxamed Salaad, ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, kaas oo ay isugu yimaadeen wakiillo ka socday 22 dal oo Carbeed.

Shirkan oo lagu qabtay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqaynta, iskaashiga iyo is-weydaarsiga xogta amniga ee u dhexeeya hay’adaha sirdoonka dalalka Carabta, si loo wajaho caqabadaha amni ee isa soo taraya.

Intii uu socday shirka, ayaa si gaar ah loo falanqeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka iyo ilaalinta madax-bannaanida dowladaha Carabta, iyadoo sidoo kale xoogga la saaray dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ah iyo shabakadaha khatarta ku ah xasilloonida gobolka.

Agaasimaha NISA, Mudane Mahad Salaad, ayaa kulammo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda hay’adaha sirdoonka dalalka ka qaybgalay shirka, kuwaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, tababarrada iyo wadaagga xogaha muhiimka ah.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo amniga guud ee dalalka Carabta, isla markaana lagu xoojinayo wada shaqaynta ka dhanka ah khataraha argagixisada iyo dambiyada abaabulan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles