Itoobiya oo ciidamo u dirtay Gobolka Tigray

Dowladda federaalka ayaa ciidamo u diraysa Gobolka Tigray, sida ay sheegtay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF).

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay, xisbigu wuxuu ku eedeeyay Addis Ababa inay samaynayso “diyaar-garroow ciidan oo cusub” oo ka dhan ah Tigray, iyagoo xiganaya iska-horimaadyo dhowaan dhacay.

“Dowladda Itoobiya hadda waxay waddaa dhaqdhaqaaq ballaaran oo hub iyo ciidamo ah, taas oo Tigray ku riixaysa inuu galo wareeg kale oo dagaal dhiig leh,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“TPLF iyo shacabka Tigray waxay doonayaan in Heshiiska Pretoria la hirgeliyo,” ayuu war-saxaafadeedku intaas raaciyey.

TPLF waxay ugu baaqday beesha caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah si looga hortago dagaal labaad.

Si kastaba ha ahaatee, TPLF ma aysan caddeyn halka lagu arkay dhaqdhaqaaqaas

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles