Monday, February 16, 2026

Mahad Salaad oo damaanad amni u fidiyay Deni iyo Axmed Madoobe

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa xalay kulamo siyaasadeed oo gaar gaar ah la yeeshay hoggaamiyeyaal sare, kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo wadahadallada siyaasadeed ee la filayo.

Kulamada ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wadahadallada lagu falanqeeyay xaaladda amniga, xasilloonida siyaasadeed, iyo shirka la filayo inuu dhex maro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaas oo loo arko mid muhiim u ah dejinta xiisadaha siyaasadeed.

Warar kale ayaa tilmaamaya in Agaasimaha NISA uu xalay tagay hotel ku yaalla xerada Xalane halkaas oo ay deggen yihiin madaxda Puntland iyo Jubbaland, isaga oo waday dadaallo lagu doonayo in lagu qanciyo inay ka qeybgalaan shir siyaasadeed muhiim ah.

Mahad Salaad ayaa la sheegay inuu dammaanad amni u fidiyay labada hoggaamiye si ay u tagaan Villa Soomaaliya, halkaas oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku adkeysanayo in lagu qabto shirka u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Dadaalladan dhexdhexaadinta ah ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo walaac ku saabsan goobta shirka iyo dammaanadaha amniga, waxaana weli aan la ogeyn in Agaasimaha NISA uu ku guuleysan doono qancinta madaxda Puntland iyo Jubbaland si ay uga qeyb galaan shirka la qorsheynayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Mustqablka Soomaaliyeed oo kulamo ka wada Muqdisho

Kulan xasaasi ah ayaa haatan waxaa uu u socdaa...

Lafta gareen oo shir xasaasi ah la qaatay saraakiisha Koofur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa...

Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi...

Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiis is afgarad ah kala saxiixday

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee...

Baarlamaanka oo maanta dood ka yeeshay Dastuurka

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles