Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiis is afgarad ah kala saxiixday

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee Tanzania ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga maareynta arrimaha socdaalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha la xiriira.

Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi. Sidoo kale munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa madaxda hay’adaha socdaalka ee labada dal, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala.

Heshiiskan cusub waxa uu xoojinayaa xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo ganacsi ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo iskaashiga dalalka ku bahoobay East African Community.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in si degdeg ah loo hirgeliyo qodobbada heshiiska, kuwaas oo diiradda saaraya fududeynta isu-socodka muwaadiniinta. Muwaadiniinta sita baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa shaqaalaha dowladda ayaa laga dhaafay dal-ku-galka (Visa on Arrival). Sidoo kale, muwaadiniinta ku safaraya baasaboorrada caadiga ah ee labada dal ayaa 24 saacadood gudahood ku heli doona dal-ku-gal, si loo dardargeliyo isu-socodka dadka iyo ganacsatada.

Ugu dambeyn, waxaa si gaar ah loogu mahadceliyay dadaalka iyo shaqada hagar la’aanta ah ee Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, iyo dhammaan howlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee ka howlgala dalka Tanzania, kuwaas oo door muuqda ka qaatay hirgelinta heshiiskan.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles