Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, guulaha Ciidamada Qalabka Sida ay ka gaareen furimaha la-dagaallanka argagixisada, iyo doorka saaxiibada Soomaaliya ee taageerada iyo awoodsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay nabadda iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, gaar ahaan Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, munaasabadda Sannadka Cusub ee Shiinaha.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles