Lafta gareen oo shir xasaasi ah la qaatay saraakiisha Koofur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey xaqiijinta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Daraawishta, iyo Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta iyadoo shirka diiradda lagu saaray dardargelinta howlgalada amni, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga, iyo sugidda nabadgelyada guud ee deeganada koonfur galbeed.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga inay sii xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara, isla markaana la laba jibbaaro howlgalada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee carqaladeynaya xasilloonida iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.

saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee guud iyo guulaha laga gaaray howlgaladii ugu dambeeyey, iyagoo ballanqaaday in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo amniga iyo badqabka shacabka ku nool guud ahaan deeganada koonfur galbeed.

shirka ayaa kusoo idlaaday go’aamo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo istaraatiijiyadda amniga iyo kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee Dowladda Koonfur Galbeed.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles