Monday, July 6, 2026

Lafta gareen oo shir xasaasi ah la qaatay saraakiisha Koofur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey xaqiijinta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Daraawishta, iyo Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta iyadoo shirka diiradda lagu saaray dardargelinta howlgalada amni, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga, iyo sugidda nabadgelyada guud ee deeganada koonfur galbeed.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga inay sii xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara, isla markaana la laba jibbaaro howlgalada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee carqaladeynaya xasilloonida iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.

saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee guud iyo guulaha laga gaaray howlgaladii ugu dambeeyey, iyagoo ballanqaaday in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo amniga iyo badqabka shacabka ku nool guud ahaan deeganada koonfur galbeed.

shirka ayaa kusoo idlaaday go’aamo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo istaraatiijiyadda amniga iyo kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee Dowladda Koonfur Galbeed.

WARARKII KALE

 Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS oo waddo cusub ka dhagax dhigay Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

26 qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay xabsi ku yaal Sri Lanka

Rabshado ka socday labo maalmood xabsiga Negombo, oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh”Dadka Soomaaliyeed waxay direen fariin doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles