Golaha Mustqablka Soomaaliyeed oo kulamo ka wada Muqdisho

Kulan xasaasi ah ayaa haatan waxaa uu u socdaa xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaasi oo ka socda Hotel Airport ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalaya siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal hore oo miisaan culus ku leh siyaasadda dalka.

Kulanka waxaa goob joog ka ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo sidoo kale madaxda dowlad-goboleedyada Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in diiradda lagu saarayo is-xog-wareysi ku saabsan ujeeddada safarka wafdiga, xaaladda siyaasadeed ee ka jirta caasimadda, iyo ajandayaasha hortabinta u leh Puntland inta ay ku sugan yihiin Muqdisho.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu magaalada dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo sare u qaadaysa xiisaha siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqa wadatashiyada la xiriira mustaqbalka siyaasadda dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo u safray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashada ayaa goordhow ku dhawaaqay...

Itoobiya oo badeshay ciidamadeeda ku sugnaa Baydhabo iyo kuwa cusub oo ay geysay Magaalada

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beddeshay dhammaan ciidamadii...

Burburin iyo barakac xooggan oo ka socda Buulo Eelay, Muqdisho oo wajahaysa qax

Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles