Hoggaanka Golaha Mustaqbalka oo ka shiraya mowqifkooda ku aadan doorashooyinka

Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa maanta shir ku yeelanaya magaalada Muqdisho, iyaga oo ka arrinsanaya mowqifkooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka dalka.

Kulankan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro qorshaha ay goluhu ka qaadanayaan nooca doorasho ee la qabanayo, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka siyaasadeed ee ku saabsan habraaca doorashada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed  ay falanqeyn doonaan doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo kuwa heer federaal, iyo sida loo gaari karo hannaan ay ku mideysan yihiin dhinacyada siyaasadda, si looga fogaado jahawareer siyaasadeed iyo dib u dhac doorasho.

Shirka maanta ayaa imanaya xilli ay wali socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad siyaasadeed oo dhameystiran, kaas oo lagu xallinayo muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod, oo ka bilaabma dowladaha hoose, kuna fida dowlad-goboleedyada, uguna dambayn dowladda dhexe, halka Mucaaradka ay soo jeediyeen in la qabto doorashooyin dadban, iyadoo marka hore laga bilaabayo dowlad-goboleedyada aan weli gelin doorashooyinka, ka hor inta aan la gaarin heer federaal, isla markaana arrintan la dhammaystiro ka hor bisha May.

Khilaafka taagan ayaa muujinaya caqabadaha weli hor taagan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles