Friday, July 17, 2026

Guddoomiyaha G/Banaadir oo shir guddoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib udhiska

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib udhiska Caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa goob joog ka ahaa kulankan, waxaana inta uu socday diirada lagu saaray dardargalinta mashaariic lagu horumarinayo magaalada, gaar ahaan Dhismaha waddooyinka, Xal u helida maareynta biyaha roobka iyo Dib u dhiska xarumaha danta guud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kula dardaarmay madaxda iyo howl wadeenada waaxda howlaha guud in si daacadnimo iyo Alla ka cabsi kujirta ay uga u gutaan waajibaadkii loo igmaday islamarkaana uu jiri doono islaxisaabtan iyo dabagal la xariira howlaha socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirkii difaaca Jabuuti oo geeriyooday

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan, ayaa geeriyooday,...

Aqalka Sare oo u yeeray Wasiir Mukhtaar Roobow iyo eedeymo culus oo lagu haysto

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka,...

Heshiis is afgarad ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga oo la ansixiyay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Golaha Wasiirrada oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Rugta Ganacsiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh...

Turkiga oo Adkeeyay Taageerada Soomaaliya iyo Dalalka Kale ee Gobolka

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dalkiisu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles