DFS oo cambaareysay dad lagu dilay Nigeria

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro argagixiso oo ka dhacay gobolka Zamfara ee dalka Nigeria, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 50 qof oo rayid ah, isla markaana lagu afduubtay haween iyo carruur.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda garab istaag ugu muujinayso dowladda iyo shacabka Nigeria, iyadoo tacsi u dirtay qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkooda, una rajeysay dhaawacyada bogsasho degdeg ah.

Soomaaliya waxay ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay, waxayna taageertay dadaallada ay Nigeria ku doonayso in caddaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay falalkan.

Dowladdu waxay sidoo kale xustay in dalalka Afrika ay u baahan yihiin midnimo iyo iskaashi si wadajir ah loogu wajaho khatarta argagixisada, isla markaana mudnaanta loo siiyo ilaalinta rayidka.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles