Mareykanka oo ku baaqay in heshiis ay gaaraan DF iyo mucaaradka

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa loogu baaqay in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay sii wadaan wadahadalka iyo tanaasulka siyaasadeed, iyadoo lagu tilmaamay in wada-hadalku uu muhiim u yahay xasilloonida dalka.

“Wadahadalka iyo tanaasulka waa arrimo adag, balse waa lama huraan. Waxaan ku dhiirrigelinaynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan raadinta is-afgarad. Geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan oo Soomaaliyeed wuxuu ka hortagaa argagixisada, xoojiyaa dowlad-dhiska, isla markaana hormariya mudnaanta Soomaaliya iyo tan beesha caalamka.”

Safaaraddu waxay sheegtay in wadahadalka iyo is-afgaradku ay adkaan karaan, balse ay yihiin kuwo lama huraan ah si loo gaaro xal waara. Waxay sidoo kale dhiirrigelisay hoggaanka Soomaaliya in ay sii xoojiyaan geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan.

Bayaan ka soo baxay safaaradda ayaa lagu xusay in hannaan siyaasadeed oo mideysan uu ka hortagi karo argagixisada, xoojin karo dowlad-dhiska, isla markaana hormarin karo mudnaanta Soomaaliya iyo tan beesha caalamka.

Hadalkan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo khilaafaad siyaasadeed oo u baahan wadahadal iyo is-afgarad si loo ilaaliyo xasilloonida iyo horumarka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles