Madaxweyne Geelle oo Cambaareeyay Saldhigga Israa’iil ee Berbera

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal uu dhawaan ku qoray Jeune Afrique si cad uga hadlay arrimaha ku saabsan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo midnimada Soomaaliya.

Geelle ayaa sheegay in ujeedada Israa’iil ay tahay in ay ka faa’iideysato dhulka Somaliland iyadoo wadata ujeedo aan nabad ahayn, wuxuuna tilmaamay in maamulka Somaliland uu diyaar u yahay in uu wax walba siiyo Netanyahu si uu u helo aqoonsigaas. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka digay saldhig milatari oo ay Israa’iil ka samaysatay Berbera, isagoo sheegay in taasi ay tahay arrinta ugu weyn ee laga baqayo.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale cambaareeyay doorka Imaaraadka Carabta, isagoo ku eedeeyay inay hormuud ka yihiin taageerada Israa’iil ee gobolka, islamarkaana ay abuuraan khilaafaad ka jira Yemen, Suudaan, Soomaaliya, Chad, Libya iyo meelo kale.

Geelle ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka Jabuuti iyo Somaliland, gaar ahaan Cabdiraxmaan Cirro, madaxweynaha Somaliland, isagoo sheegay:

“Xiriirku waa qabowyahay. Jabuuti ayaa diiday in ay la kulanto ama telefoon ka qabato Cabdiraxman Cirro. Xadka weli wuu furan yahay, balse duulimaadyadii hawada ee u dhexeeyay Jabuuti iyo Hargeysa waa la hakiyay.”

Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku adkeystay in falsafada hoggaamiyeyaasha Somaliland muddo 34 sano ah lagu soo koobayo hal war: “Haba yaraatee agoonsi aan helno, xitaa haddii ay tahay mid shaydaan,” isagoo caddeeyay in Jabuuti aysan raacsaneyn in gobolka iyo Soomaaliya laga abuuro dhibaato siyaasadeed.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka si adag uga horyimid aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland, taas oo ay ku tilmaantay wax aan la aqbali karin, oo ka hor imaanaya midnimada Soomaaliya, axdiga Midowga Afrika, iyo xeerarka caalamiga ah.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles