Thursday, February 26, 2026

Baarlamaanka oo dhameystiray dooda wax ka badelka Dastuurka

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo gebagebeeyay marxaladda ka doodista soo-jeedimaha wax ka beddelka Dastuurka, kaddib fadhiyo xiriir ah oo ay xubnaha labada Gole si wadajir ah uga yeesheen qodobbada kala duwan ee Dastuurka.

Kulanka maanta oo ahaa kulankii 23-aad ee kalfadhiga 7-aad ee fadhiyada wadajirka ah, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana ku wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Sanatarrada iyo Xildhibaannada, oo ay maanta u ahayd gebagebada ka doodista cutubyadii ugu dambeeyay ee dib-u-eegista Dastuurka, ayaa si qoto dheer uga aragti dhiibtay qodobbada la xiriira Amniga Qaranka iyo qodobbo guud, iyagoo soo gudbiyay talooyin iyo aragtiyo wax-ku-ool ah oo ku wajahan xoojinta nidaamka amniga dalka iyo tayeynta qodobbada guud ee Dastuurka, si ay ula jaanqaadaan baahiyaha dowladnimo ee jira iyo duruufaha isbeddelaya.

Gunaanadkii kulanka, Guddoonka Labada Aqal ayaa bogaadiyay hannaanka miro-dhalka ah ee ka doodista dib-u-eegista Dastuurka, isaga oo ku ammaanay Mudaneyaasha kaalintooda firfircoon iyo ka-qaybgalka wax-ku-oolka ah. Waxayna xuseen in aragtiyaha iyo fikradaha la soo bandhigay ay si weyn uga qeyb qaadanayaan tayeynta nuxurka wax ka beddelka Dastuurka.

Sidoo kale, Guddoonka ayaa faray guddiyada u xilsaaran arrimaha Dastuurka inay si farsamo, habraac iyo waafaqsan shuruucda u soo qaabeeyaan dhammaan talooyinka iyo aragtiyaha la dhiibtay, si loogu diyaariyo marxaladaha xiga ee geeddi-socodka dib-u-eegista iyo ansixinta Dastuurka Qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo la kulmay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee G/Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan...

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta guddoomiyay...

Madaxweyne Geelle oo Cambaareeyay Saldhigga Israa’iil ee Berbera

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal uu dhawaan...

Israa’iil oo aqbashay in Safiirka ay Somaliland u magacowday dalkeeda

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay inay aqbashay in Dr. Maxamed...

DFS oo bilowday baaris ku aadan gabar laga keenay Laascaanood oo loo dhoofin rabay Liibiya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles