Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo lagaga hadlay arrimaha amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyo gurmadka abaaraha ka jira deegaanada Jubaland.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha la wadaagtay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga Jubaland, iyadoo ka warbixisay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidamada ammaanku ka fuliyeen deegaano kala duwan, kuwaas oo laga gaaray guulo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa ka warbixisay xaaladda deegaanka, gaar ahaan dadaallada lagu yareynayo isticmaalka bacaha iyo kahortagga fiditaanka geedka Cali-garoobka oo khatar ku ah deegaanka.

Ugu danbayntii Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta Jubaland. Wasaaraddu waxay sheegtay in gurmad raashiin ah la gaarsiiyay qoysaska ay abaartu saameysay, isla markaana ay sii wadaan dadaallo dheeraad ah oo lagu xoojinayo ka jawaabidda xaaladda bani’aadannimo, iyagoo kaashanaya hay’adaha Dowladda iyo bahwadaagtooda.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles