Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo lagaga hadlay arrimaha amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyo gurmadka abaaraha ka jira deegaanada Jubaland.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha la wadaagtay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga Jubaland, iyadoo ka warbixisay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidamada ammaanku ka fuliyeen deegaano kala duwan, kuwaas oo laga gaaray guulo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa ka warbixisay xaaladda deegaanka, gaar ahaan dadaallada lagu yareynayo isticmaalka bacaha iyo kahortagga fiditaanka geedka Cali-garoobka oo khatar ku ah deegaanka.

Ugu danbayntii Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta Jubaland. Wasaaraddu waxay sheegtay in gurmad raashiin ah la gaarsiiyay qoysaska ay abaartu saameysay, isla markaana ay sii wadaan dadaallo dheeraad ah oo lagu xoojinayo ka jawaabidda xaaladda bani’aadannimo, iyagoo kaashanaya hay’adaha Dowladda iyo bahwadaagtooda.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles