Tuesday, April 21, 2026

Burcad-badeed ku fashilantay afduub dooni Iiraan laga leeyahay oo ka dhacay xeebaha Eyl

Koox burcad-badeed ah oo ka baxday deegaanka Maraya ee degmada Eyl ayaa maanta weerar ku qaaday dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, taas oo ku sugneyd xeebaha degmadaas. Weerarka ayaa fashilmay kadib markii doonta la weeraray ay si xooggan uga hortimid, rasaasna ku furtay kooxdii burcad-badeedda.

Iska caabinta ayaa sababtay dhimashada hal burcad-badeed ah iyo dhaawaca labo kale. Meydka ninka dhintay iyo dhaawacyada ayaa laga soo qaaday xeebta magaalada Eyl, halkaas oo lagu daweynayo dhaawacyada.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labada nin ee dhaawaca ah iyo doontii ay wateen burcad-badeeddu, halka meydka ninka dhintay la geliyay talaagad. Wararka ayaa sheegaya in kooxda weerarka qaaday ay tiradoodu gaareysay ku dhowaad 10 nin, iyadoo qaar kale ay baxsadeen.

Ilo amni ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay doonayeen inay qafaashaan doonta si ay ugu adeegsadaan weerarro kale oo ka dhan ah maraakiibta shisheeye ee mara biyaha Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xeebaha Puntland ay mar kale wajahayaan falal burcad-badeednimo, kadib markii 31-kii Diseembar 2025 koox burcad-badeed ah ay afduubteen markab kalluumeysi oo Shiinaha laga leeyahay, laguna magacaabo Liao Dong Yu 578, meel u dhow Bandar Beyla ee gobolka Bari.

Xeebaha Puntland ayaa muddooyinkii dambe mar kale noqday goob khatar amni oo walaac ku abuureysa maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamo taabacsan Laftagareen oo diiday doorasho ka dhacda Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in...

Mucaaradka oo ku dhawaaqay Badbaado Qaran oo ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Siyaasiinta mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha saami...

15 Wasiir oo Wajahaya Doorasho adag Kadib Go’aan Cusub oo ka soo baxay MW Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu...

Mucaaradka iyo odayaasha Dhaqanka Hawiye oo maanta yeelanaya shir ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka...

Itoobiya oo Xirtay 138 Qof oo lagu eedeeyay Argagixiso iyo Carqaladeyn Doorashooyinka

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee Itoobiya ayaa shaacisay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles