Lafta gareen oo la filayo inuu ku dhawaaqo guddiga doorashada KGS

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu si rasmi ah ugu dhawaaqo guddiga doorashada ee maamulkaas.

Laftagareen ayaa maalmahan dambe waday abaabulkii ugu dambeeyay ee la xiriira dhismaha guddiga doorashada, isagoo kulamo kala duwan la qaatay qeybaha bulshada Koonfur Galbeed, oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah.

Wararka ayaa sheegaya in magacaabista guddigan ay ugu sii dari karto xiisada siyaasadeed oo ka dhex taagan gudaha maamulka iyo heer federaal.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Koonfur Galbeed, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira doorashooyinka iyo habraacyadooda.

Waxaa la filayaa in ku dhawaaqista guddiga doorashada ay sii xoojiso doodaha siyaasadeed ee taagan, isla markaana ay saameyn ku yeelato jihada siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles