Xildhibaano ka tirsan BFS oo sharci darro ku tilmaamay Kursiga Wasiir Jaamac

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka kala socda labada aqal isla markaana isku magacaabay “Baarlamaanka Xorta ah”, ayaa si kulul uga hadlay kursiga HOP #204 ee dhowaan loo doortay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Wasiir Jaamac).

War-saxaafadeed ay soo saareen, ayay ku sheegeen in habka loo maray doorashada kursigaasi uu yahay mid baal marsan sharciga, isla markaana ka hor imaanaya Dastuurka ku meel gaarka ah iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka. Waxay tilmaameen in kursigaasi uu horey ugu fadhiyay Xildhibaan Isaaq Cali Subag, ayna tahay sharci darro in si kale loo buuxiyo iyadoo aan la raacin habraacyada saxda ah.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale ku eedeeyay hoggaanka sare ee dowladda inay faragelin ku hayaan nidaamka doorashooyinka kuraasta Baarlamaanka, iyagoo sheegay in arrintan ay dhaawaceyso kalsoonida hay’adaha dowliga ah iyo hannaanka dimuqraadiyadda.

Waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta inay difaacaan sharciga iyo nidaamka dowladnimada, iyagoo si gaar ah u xusay in aan la aqbali karin wax kasta oo lid ku ah hannaanka saxda ah ee Baarlamaanka.

Ugu dambeyn, waxay caddeeyeen in aysan aqoonsaneyn natiijada doorashada kursiga HOP #204, iyagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo tallaabooyinka ay ku tilmaameen “sharci darrada” ah ee ka socda magaalada Baydhabo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles