Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ay fuliyeen lix duqeyn oo lagu beegsaday AS, kuwaas oo ka kala dhacay deegaannada Tardho (Hiiraan), Ugunji (Shabeellaha Hoose), Daynuunaay (Baay), iyo Qumbi (Jubbada Hoose).
Sida ay wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya sheegtay, waxaa duqeymahaas lagu dilay 54 xubnood oo ka tirsan AS, halka tiro kalena la dhaawacay, iyadoo sidoo kale la beegsaday keyd sahay oo muhiim u ahaa kooxda.
Halkan Hoose ka akhriso warka.
Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji oo ka tursan gobolka Shabeellaha Hoose, Daynuunaay ee gobolka Baay ah iyo Qumbi oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalladan oo gaarayay lix duqeyn ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo lagu burburiyay goobihii kooxda gabaadka u ahaa, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay lagu hayay kormeer joogto ah, kadib dhaqdhaqaaqyo laga arkay deegaannadaas.
Duqeymahan ayaa sababay dhimashada 54 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta iyo dhaawaca tiro kale, waxaana sidoo kale si guul leh loo beegsaday keyd sahay, iyada oo si weyn loo wiiqay awoodooda dhinaca sahayda, isku socodka iyo abaabulka weerarro ay ku dhibaatey lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalladan waxay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo awoodda hawlgal ee Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo in ay deegaannadan u adeegsadaan qorsheynta iyo fulinta weerarro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.


