Banaanbax maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo

Banaanbax ballaaran oo ay ka qeyb galeen boqolaal kamid ah shacabka ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Banaadir.

Dadkan ayaa si weyn uga soo horjeeday diidmada qaar kamid ah ganacsatada ee qaadashada lacagta Shilinka Soomaaliga.

Sidoo kale Bannaan baxayaasha ayaa waxaa ay siteen boorar islamarkaana ku qeylinayay hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Dollar dooni meyno, lacagteena ayaan rabnaa.”

Dadka bannaanbaxayay ayaa dalbaday in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda lacagta Shilinka Soomaaliga oo ay sheegeen in isticmaalkeeda la diiday.

Qaar kamid ah shacabka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in diidmada Shilinka Soomaaliga ay saameyn ku yeelatay nolol maalmeedka dadka, isla markaana ay keentay jahwareer dhaqaale iyo culays ku yimid isticmaalka lacagta waddanka.

Taliyaha Booliska Gobolka Baay, Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan (Doodishe), oo goobta bannaanbaxa ka hadlay, ayaa ku amray ganacsatada Magaalada Baydhabo inay si buuxda u qaataan Shilinka Soomaaliga, isagoo uga digay in cid kasta oo diida laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Taliyuhu wuxuu sheegay in boolisku uu ka go’an yahay ilaalinta nidaamka lacagta dalka iyo kala dambeynta suuqyada, isla markaana aan la aqbali doonin waxyaabo carqalad ku ah isticmaalka lacagta rasmiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles